Bir

Bir (Metal) waa shey adke ah (curiye, Isku dhis iyo Jaandi) taas oo iftiimaysa, jidh adag leh, isla markaana aad ugu wanaagsan gudbinta dabka iyo kulka. Birtu waa curiye kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo ka duwan kuwa Bir Ma ahe iyo Bir La Moodkaba.

Birtu waa shey marka la garaaco la qaloocin karo ayadoon kala jabayn, la dhalaalin karo, isla markaana la dhuubi karo ama wax dhuuban laga dhigi karo. 91 curiye oo ka mid ah 118da curiye ee jadwalka Diwaanka Curiye waa bir. 27ka kale ayaa u kala baxa neef, bir ma ahe, bir la mood iyo qeybaha kale ee Diwaanka Curiye.

Si ka duwan cilmiga Kemisteriga, micnaha ereyga bir waa ku kala duwan yahay qeybaha aqoonta. Tusaale ahaan, aqoonyahana xidigaha ee Cilmi Falagu waxay ereyga bir u isticmaalaan dhammaan curiyayaasha marka laga reebo Haydarojiin (H) iyo Hiliyaamta (He) kuwaas oo ah walxaha ugu badan Xidigaha muuqda ee Koonka. Dhinaca kale, curiyeyaal badan iyo isku dhisyo badan ayaa noqda bir marka kuleyl badan lagu shido, kuwaas waxaa loo yaqaanaa Sheyada Birta ee ka Samaysmay Bir Ma ahe.

Curiyaha Birta ah
Magaca Sawir
Titaaniyaam
Aayron
Naxaas

Sinki
Dahab
Alumiiniyaam
Nikel
Iskaandhiyaam
Kobalti
Roodhiyaam
Manganiis
Gaaliyaam
Tin

Transitional Metals

Guruubka 3aad

Guruubka 3aad: Iskaandhiyaam (Sc), Itriyaam (Y) Lanthanum (La), Aktiiniyaam (Ac), Luteetiyaam (Lu), iyo Lawreensiyaam (Lr).

Guruubka 4aad

Guruubka 4aad: Titaaniyaam (Ti), Sirkooniyaam (Zr), Haafniyaam (Hf) iyo Rutherfordium (Rf).

Guruubka 5aad

Guruubka 5aad: Fanadhiyaam (V), Dubniyaam (Db), Niyobiyaam (Nb) iyo Tantalum (Ta).

Guruubka 6aad

Guruubka 6aad: Koroomiyaam (Cr), Molybdenum (Mo), Tungsten (W) iyo Siiborgiyaam (Sg).

Guruubka 7aad

Guruubka 7aad: Manganiis (Mn), Teknetiyaam (Tc), Reheniyaam (Re) iyo Bohriyaam (Bh).

Guruubka 8aad

Guruubka 8aad: Aayron (Fe), Rutheniyaam (Ru), Osmiyaam (Os) iyo Hasiyaam (Hs).

Guruubka 9aad

Guruubka 9aad: Kobalti (Co), Roodhiyaam (Rh), Iridiyaam (Ir) iyo Meitneriyaam (Mt).

Guruubka 10aad

Guruubka 10aad: Nikel (Ni), Baladiyaam (Pd), Balatiniyaam (Pt) iyo Darmstadtiyaam (Ds).

Guruubka 11aad

Guruubka 11aad: Kober (Cu), Naxaas (Ag), Dahabka (Au) iyo Roentgeniyaam (Rg).

Guruubka 12aad

Guruubka 12aad: Sinki (Zn), Kaadmiyaam (Cd), Meerkuri (Hg) iyo Kobernishiyaam (Cn).

Birta Alkali

Birta Alkali (Alkali Metal) waa guuto curiyeyaal bir ah kuwaas oo leh astaamo kimiko isku mid ah.

Guruubka Birta Alkali waa lix curiye ee guruubka 1aad ee Diwaanka Curiye kuwaas oo kala ah: Liithiyaam (Li), Sodhiyaam (Na), Botashiyaam (K), Rubiidhiyaam (Rd), Kaasiyaam (Cs) iyo Faransiyaam (Fr).

Curiyayaasha safkan guruubka 1aad waxaa loo yaqaanaa s-block sababtoo ah dhammaantood waxay leeyihiin elektaroono qolof-sare u wareega s (s-orbital).

Sidoo kale, curiyeyaasha Birta Alkali waxay leeyihiin dhaqan isku dhow: dhammaantood waa bir iftiimaysa, jilicsan, isla markaana aad u firfircoon oo leh falgal degdeg ah. Dhamaantood waxa lagu kala jari karaa [[midi]da jileec darteed, si dhakhso badan ayayna u daxaleeystaan sababtoo ah waxay la falgalaan Ogsajiin. Firfircoonida falgalkooda darteed, ayaa waxa lagu dhex keeydiyaa saliida si looga ilaaliyo hawada, waxaana sida dabiiciga ah la helaa ayagoo isku dhisyo kala duwan ah sida cusbada. Sidoo kale, curiyeyaasha birta alkali waa milme si fudud ugu dhex milma biyaha.

Curiyaha Birta Alkali
Magaca Sawir
Kaalshiyaam
Magniisiyaam
Liithiyaam
Sodhiyaam
Botashiyaam
Rubiidhiyaam
Kaasiyaam (Cs)
Faransiyaam (Fr)

Birta Alkalineta Dhulka

Curiyaha Beriiliyaam.
Curiyaha Magniisiyaam.
Curiyaha Istaroontiyaam.
Curiyaha Raadhiyaam.

Birta Alkalineta Dhulka (Alkaline Earth Metal) waa guuto curiyeyaal bir ah kuwaas oo leh astaamo kimiko isku mid ah.

Guruubka Birta Alkalineta dhulka waa lix curiye ee guruubka 2aad ee Diwaanka Curiye kuwaas oo kala ah: Beriiliyaam (Be), Magniisiyaam (Mg), Kaalshiyaam (Ca), Istoroontiyaam (Sr), Baariyaam (Br) iyo Raadhiyaam (Ra).

Curiyayaasha safkan guruubka 2aad waxay soo galaan s-block sababtoo ah dhammaantood waxay leeyihiin elektaroono qolof-sare u wareega s (s-orbital).

Marka heerkulku caadiga yahay, Birta Alkalineta Dhulku waa adke, dhammaantoon leh midabka naxaasta oo iftiimaya, isla markaana leh falgal firfircoon.

Curiyaha Birta Alkalineta Dhulka
Magaca Sawir
Botashiyaam
Meerkuri
Beriiliyaam
Istoroontiyaam
Baariyaam
Magniisiyaam
Kaalshiyaam
Raadhiyaam