Dhaqan-mahiibso

Naag dhar Amerindi gashanyso, iyadoo Amerindi ahayn.

Dhaqan-mahiibso (Af Ingiriis : cultural appropriation; ) waa qaadashada dhaqan khaas ah, iyagoo loo la ansixinaynin goobta ay dhaqankaas ka timid. Tani waxay si gaar ah u noqonkarta mid xasarado abuurta marka xubnaha dhaqan dadabsi badan leh ama nashiro leh ay ka soo amaahdaan dhaqamada umadaha tiro yar. Marka xubnaha dhaqamada gacansaraya leh ay nuqul ka sameeyaan qaybaha dhaqamada kooxaha tiro yar, isla markaana qaybahaas loo isticmaalo meel ka baxsan macnaha dhaqanka asalka ah – mararka qaarkoodna si ka soo horjeeda rabitaanka xubnaha dhaqanka soo saaray – falka dhaqan-mahiibsiga inta badan waxaa loo arkaa fal taban. Dhaqan-mahiibsiga waxay ka mid noqon kartaa dhiigmiirto, ama tunjileecsi ku aadan, dhaqanka diinta, talaabooyinka qoob-ka-ciyaarka, moodada, astaamaha, luqadda, taariikhda iyo muusiga dhaqanka kale.[1]


  1. Rogers, Richard A. (1 November 2006). "From Cultural Exchange to Transculturation: A Review and Reconceptualisation of Cultural Appropriation". Communication Theory. 16 (4): 474–503. doi:10.1111/j.1468-2885.2006.00277.x. ISSN 1468-2885.