Portal:Aasiya
![]()
![]() Aasiya (Eeshiya Af Ingiriis : Asia; Af Carabi : ar; |ˈ|eɪ|ʒ|ə|,_|ˈ|eɪ|ʃ|ə|) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka taasi oo gaadhsan 4.4 bilyan (labada wadan ee ugu dadka badan waa Hindiya iyo Shiinaha). Waxaa xusid mudan iyadna in qaarada Aasiya ay ka dhismeen boqortooyooyinka ugu horeeyay ee aadamuhu sameeyaan. Guud ahaan, qaarada Aasiya waxaa dhinaca bari ka xiga Badweynta Baasifik, koonfurta waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, dhinaca waqooyi waxaa ka xiga Badweynta Arktik. Aasiya waxay dhinaca ku haysaa qaarada Yurub, halkaasi oonu jirin wax dabiici ah oo labada qaaradood kala sooca. Laakiin sida ku xusan sharciyada caalamiga ee xuduudaha qaarada Aasiya xadkeedu wuxuu ka bilaabmaa bariga Gacanka Suweys, webiga Yural, iyo Buuraha Yural. Aasiya waa qaarada ugu weyn aduunka isla markaana ugu dadka badan dhamaan caalamka. Buurooyinka ugu weyn aduunka waxee ku yaalaan qaaradan. Muuqaalo
Dabaqyada farasmagaalka caasimada Bangkok, oo ah magaalada ugu wayn wadanka Thailand. Sawir Xul ah
Nin aaminsan diinta Sikhiga kuwaasi oo ku badan gobolka Bunjaab, Hindiya. Shakhsi xul ahPortal:Aasiya/Shakhsi xul ah/4 Maqaal xul ah![]() Burj Khalifa (Af Carabi : ar, turjumaad: "Dabaqa Khalifa"; loogu dhawaaqo English /ɜrdʒ kəˈliːfə/), sidoo kale loo yaqaano Burj Dubai waa dabaqa ugu dheer aduunka kaasi oo ku yaala magaalada Dubay, Imaaraatka Carabta. Burj Khalifa waa dabaqa aduunka uugu dheer, oo dhirirkiisu yahay 828 meter . Waxoona ku yaalaa magaalada Dubay ee dalka Imaaraatka Carabta. Burj khalifa waxaa la bilaabay, 21 sebteembar 2004. waxaana la dhameeyay 2009 oona la furay 4 Janaayo 2010. Dabaqaan dheer waxaa ku dhaxyaalo Hotelal iyo guryo. CategoryPortal:Aasiya/Category Maqaalada AasiyaPortal:Aasiya/Maqaalo Portal kalePortal:Aasiya/la xidhiidha Mashaariic Bahwadaag
|