Kitaab
- Yaan lagu khaldin Buug.
Kitaab
Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi[1] ah oo macnaheedu tahay "buug".[2] Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.[3]
Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[5][6][7][8]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay
Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
Magaca | Magaca Af-Carabi |
Kitaabka | Suxufi | Sharaxaad Kooban |
---|---|---|---|---|
Nebi Muxamedﷺ | ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ | Kitaabka Quraanka "Al-Furqaan" (ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) |
- |
|
Nebi Ciise | ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ | Kitaabka Injiil "Masiixiyad" |
- |
|
Nebi Muuse | ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ | Kitaabka Towraad (ﺗﻮﺭﺍﺓ) |
Suxufi Muusa |
|
Nebi Daa'uud | ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ | Kitaabka Sabuur (ﺯﺑﻮﺭ) |
- |
|
Nebi Ibraahim | ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ | - | Suxufi Ibraahim |
|
Qoraalo La Mid Ah
- Diin
- Islaam
- Qu'raan
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islam
Xigasho
- ↑ "Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub""
- ↑ "Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav"
- ↑ "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
- ↑ "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
- ↑ "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
- ↑ Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- ↑ Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
- ↑ Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
- ↑ kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ
- ↑ nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
- ↑ "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
- ↑ "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"