Marwada Jaamacadda Afrika
Loo soo gaabiyo | MUA |
---|---|
Samaysmay | 2010 |
Nooca | Tartan qurux |
Dadka sare | Taylor Nazzal |
Website | http://www.missuniversityafrica.org |
Marwada Jaamacadda Afrika (Miss University Africa) (MUA) waa tartan qurux badan oo caalami ah oo sanadle ah oo ay soo qabanqaabiyeen Aragti, Hal-abuur iyo Fikrado. Tartanka ayaa markii ugu horeysay la qabtay sanadkii 2010. Si ka duwan Marwada Ameerika iyo Marwada Dhulka, tartamayaasha loogama baahna inay ku tartamaan dharka dabaasha ama bikini.[1] Tartankan oo uu aasaasay ganacsade Taylor Nazzal, ayaa waxaa ku tartamaya 54 tartame oo kala matalaya 54 dal oo Afrika ah, waxaana qofkii ku guulaysta tartanka uu helayaa US$50,000 oo heshiisyo taageero ah, baabuur cusub, waxana noqonayaa safiirka ardayda Qaramada Midoobay.
Lahaanshaha hadda waa Cadar Yuusuf Ibraahim oo u dhashay Soomaaliya oo 18-kii Diseembar, 2021 lagu caleemo saaray magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya.
Shuruudaha
Tartankan ayaa u ogolaanaya in ay ka qaybgalaan haweenka tartamaya ee da'doodu u dhaxayso 18 iyo 26 jir kuwaas oo ah arday jaamacadeed oo firfircoon oo aan lahayn khibrad guur iyo caruur.[2]
Tix
Preview of references
- ↑ Ayanda Dlamini (26 November 2017). http://new.observer.org.sz/details.php?id=2228. Soo qaatay 4 December 2017. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Sam Bandaon (30 November 2017). "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 24 Bisha Labaad 2018. Soo qaatay 5 December 2017. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date=
(caawin)